Now Reading
Kacaanka Jira: Ama Muxuu Aadamuhu U Socdaa Isagoo Adhax Taagan

Kacaanka Jira: Ama Muxuu Aadamuhu U Socdaa Isagoo Adhax Taagan

The Upright Revolution 4


Somali

Khaloudy Mohamed Sa’eed and Abdillahi Raage “Sayyidka”

Wakhtiyadii hore aadamuhu waxa uu ku socon jiray afarta addin, sida dhamaan san-ku-neeflaha kale ee afar-dinlayaasha ah. Aadamuhu waa uu ka dheerayn jiray bakaylaha, shabeelka iyo jeerta. Labadiisa lugood iyo labadiisa gamcood aad ayay iska xigeen dhamaan xubnihiisa kale, laablaabatooyinkooduna waa isku ekaayen oo isku dhigmayeen, garbahu waxa ay ku beegnayeen miskaha, suxuladuna jilabaha, mataanuhuna kuraamaha, caguhuna gacmaha. Midwalbaana waxa ay ku gabagaboobaysay shan farood oo cidiyo huwan. Gacmaha iyo luguhu waxa ay aad iskaga eekaayeen faraha shanta ah qayb-qaybtankooda, suulka iyo fardhexeda ilaa faryarada lugta iyo suulkeeda. Lugaha iyo gacmuhuna waxay iskugu yeedhi jireen inaadeer.

Waxay iska kaashan jireen in ay jidhka u qadaan kolba halka uu rabo, suuqa, tukaanka, buuraha dushooda iyo geedaha hoostooda, meelkasta. Xataa biyaha dhexdooda waxay iska kaashan jireen kidhka in jidhku salalo, ama dabaasha iyo quusida. Xidhiidhkoodu waxa u ku dhisnaa dimuqraadiyad iyo sinnaan. Sidoo kale waxay awoodayeen in ay xubnaha kale wax soo saarkooda ka ergistaan, sida codka oo afka, Maqalka oo dhagta, urta oo sanka laga soo ergisto, iska daa wax kalee araga indhaha ayay ka soo ergisanyeen.

Lakiin heshiiskoodaa iyo wanaag ku wada socodkoodaas waxay xin ku kicisay xubnihii kale kuwaas oo dhibsaday in ay ilmaadeerta ergiyaan ilmaadeerta awoodahooga lama helaanka ah. Hinaasuhu inta uu indha tiray ayay ilaaween in indhaha iyo luguhu manno ku leeyihiin ileen ayagaa kolba meel u qaada’e. waxay bilaabeenba in ay shirqoolaan.

Carbku waxa uu ka soo tobol caraystay qorshe maskaxda fulinteedana toos ayuu u gudo galay. Waxa uu cod dheer carabkii isku waydiiyay lugaha iyo gacmaha midkee awood badan. Inkastoonay ilma adeerku u dhag dhigi jirin waxa ka kale haysto ama uu qaban karo, afka intay hadalka ka soo amaanaysteen ayuu midwalba sheegtay in uu jidhka uga muhiimsanayhay ka kale, isla markiiba loolanku waxa uu yeeshay waji kale waxayna waydiintu noqotay midkeenee quruxbadan. Addimadu waxay ku faneen faraha gacmahooda ee dhuudhuuban, dhaadherna. Isla markaana ay ku jeesjeeseen qalafsanaanta iyo gaagaabnida faraha cagta.

Carabka ayaa soo bandhigay in tartan la qabto, waxana la isku raacay in ay tahay talo haboon, lakiin maxaa toloow lagu tartami doonaa.?

Qaar waxa ay ku taliyeen in musaaraco loo qabto lugaha iyo admada, qaarna waxa ay ku taliyeen in ay seef iskugu baxaan, ama cayaaro indhosarcaad, ama tartan orod, ama ay isku baxaan. Ciyaarahaas iyo tartamadaas oo dhan waxa meesha looga saaray qabashadeeda oo adkaatay ama in aysan labada dhinac midkood cadalad u ahayn. Markale inta uu is muujay carbaku ayuu soo bandhigay xal kale oo uu maskaxda ka soo ergistay: kaasoo ah in laba dhinac is dhaafsadaan xujo, talladaasina waxa ay ogolaansho ka heshay lugaha iyo gacmaha.

Tartankii waxa lagu dhigay fagaare wabi ku yaalay kaynta agteeda, dhamaan xubnihii kale ee jidhku waxa ay galeen heegan iyagoo ka cabsi qaba wax kasta oo kedis ugu iman kara jidhka inta lagu mashquulsanayahay loolankan sokeeye.

Indhahu waxa ay eegmo la gadhen meelo fog si ay u beegsadaan haliskasta inkasta oo ay jirtaba. Dhaguhuna waxa ay u diyaargaloobeen maqalka codkasta, haba yaraado intuu doonana ha jiree, Sankuna dhankiisa waxa uu nadiifiyay dulalkiisa si uu u uriyo halis kasta oo aanay arag indhuhu, dhagahu foojignaan ayay galeen dhankooda, halka uu carabku si dhamaystiran ugu diyar yahay dhawaaqa digniinta, hadii wax halis ahi jirto.

Dabayshu waxa ay la booday warka tartanka iyadoo gaadhsiinaysa meel kasta oo kaynta ah, xataa biyha iyo hawada waa ay gaadhsiisay. Waxa ugu hor yimid xawayaanada afarta ku socda, waxa kale oo yimid xawayaano kale oo waawayn iyagoo lulaaya caleemo cagaaran oo astaan u ah in ay nabad u yimaadeen oo ayna wax xumaan ah hoosta ku wadan.

Waxa uu ahaa kulan midabyo badan oo kulmiyay shabeelo, fahad, Libaaxyo, Goollo, Dacawooyin, Maroodiyo, geri, geel, lo’gis, Lo’, Biciidyo, Deerooyin, Bakaylayaal iyo Jiirar.

Dhanka kale biyo ku nooshii sida, Faraska warabiga, Kaluunka, iyo Yaxaasku jidhkoodii inta sare ayay la soo baxeen inta kalena waxay ku reebten wabiga. Dhankooda Gorayada, Digaaga Xabashigaa iyo Daa’uusku waxa ay ku sacabo tumeen garbahooda si farxadi saaqday, Isagoo codka shimbiruh oon kala go’ lahayn ka soo baxaayo geedaha ay buluug u badaleen Cusfuuradu, Sidoo kale Caaroyinki iyo Dirxiyadii waa ay soo gurgurteen, Cayayaanaduna geedaha iyo dhulkaba way iska soo buuxsheen, Maskaxgeel-kala-baxduna dhuumasho iyo digtooni ayay ku socotay, Qorataduna meelba may qabanayn, Daanyerka iyo Gooriiluhuna kolba laanbay u boodayeen, Xataa geeduhu way liicliicaayeen oo lulmaayeen, meel in ay ku dagaan way diideen.

Afku tartanka waxa u ku bilaabay heestan:
Farxad si aan u dareenaan sidaa u yeelayna
Farxad si aan u dareenaan sidaa u yeelayna
Farxad si aan u dareenaan sidaa u yeelayna
Ileen gabigeenba dabeecad kaliya ayaan ka soo jeednaaye

Adimadii iyo Lugihiina waxay ku dhaarteen in ay u qaataan natiijada tartanka si niyad sami ah oo aysan ka cadhoon ama aysan ku hanjabin Muqadaco ama aysan bilaabin shaqo joojin iyo ka hakasho.

Adimadu waxa ay la wareegeen hogaanka masraxa waxayna loox ka soo qaadeen dhulka deetana tureen, Lugahana waxa laga rabay in ay dhulka ka soo qaadan oo sidoo kale ay u tuuraaan, waxa lo ogolaa in ay isla qabtaan ama midkood qabto, sida loogu ogolaa in ay heelkasta oo tartanka ah ay wada tashi sameeyaan, sidoo kale waxa ay awood u lahaayeen in ay kaashadaan farhooda oo wada jira ama kali kali ah, si ay u fuliyaan hawsha. Way isku dayeen in ay rogaan oo riixaan jeexa looxa ah lakiin way ku guul daraysteen in ay si saxan u qadaan.

Gabi ahaanba waxay awoodeen in ay u laagaan meel aan fogayn. Faraha gacmuhu waxa ay cod ka soo amaanaysteen carabka, si ay u galaan hir dheer oo qosol ah. Dhudhumaduna –Dhanka Wax Xujeeyay- waxa ay bilaabeen in ay ku jeesjeesaan socodkooda sidii wax la joogo tartan quruxeed, oo waxayba ku faaneen muqalkooda xariirta ah waxayna si xarago leh u qaadeen jeexii looxa ahaa meel fogna way ku tuureen, si ay u soo jiitaan layaabka daawadayaasha iyo tartamayaasha si is leeg.

Waxa ay bilabeen in ay ciyaaro faneedyo kala duwan sameeyaan, sida ka soo qaadida firiyo ciid ah weel bariis ka buuxo dhexdiisa, dun iyo irbad is gelin, iyo farsamooyin ay ku qaado jeexyada culus ee culayska badan, iyo samaynta leebab meel fog loo tuuro, Isku geeyoo waxay sameeyeen wax aanay faraha lugtu ku riyoonayn.

May awoodin luguhu in ay fadhi ku daawadaan waxa ay sammaynayaan adimada caatada ah mooyaane waxkale, farsamooyinkaas oo ku sifoobay dabacsanaan iyo fikrad heer sare ah, Dhanka kale gacmihii daawadayaashu waxay isla heleen sacab ay ku muujinayeen jeclaysigooda iyo tagerida saxiibadood. Taasina waxa ay aad u kicisay cadhada lugaha.

Inkastoo murugo hadhaysay lakiin marnaba maskaxdooda may soo hormarin isdhibitaan, Inta ay gooni u fadhiisteen ayay ku mashquuleen ka fakirka xujo guusha u dhicisa, iyagoo farahooga yaryari carrada goobo ku sawirayaan.

Waxa la gaadhay xiligi ay luguhu addimada xujayn lahayeen. Waxay shaaciyeen in xujadoodu fududahay, kaliya gacmuhu jidhka ha ka qadaan dhinaca goobadan oo dhinaca kale ha gaadhsiiyaan ayay yidhaahdeen luguhu.

Farihii isla waynaa waxay naftooda ku yidhaahdeen xujadani macno daranaa.

Waxa uu ahaa muqaal daawasho mutaystay, dhamaan qaybihii jidhku madaxa ayay isku rogeen, gacmuhu dhulka ayay taabteen, indhuhuna dhulka ayay ku dhawadeen, dhinaca ay wax ka arkayeena waxa saamaysay dhul u dhawaanshahooda, Boodhkuna sanka intuu galay ayuu hidhiso ku dhaliyay, halka ay lugihii iyo farahoodii hawada iska lulmaayeen. Daawadayaashiina waxa ay ku heeseen oo ku dhawaaqeen si qaylo badan:

Nayaayuu Nayaayuu Juu
Hakuunaa Mataataa
Fawaatnaa Niyaayuu
Hakuunaa Mataataa
Tuuruukiinii Anjaanii

Indhiiba waxay ku jeesteen Gacmihii iyo Sacabadii. Xubnahan mar dhawayd uun xirfado badan oo layaab leh oo kala duwan soo bandhigayay waxa ay kari wayeen in ay hal tallaabo dhaqaaqaan. Waxayar ka dib waxa ay la cabaadeen xanuun, dhudhumihina inta ay ciireen ayaaba jidhkii dhacay. Nasiimo yar ka dib mar labaad ayay isku dayeen markan waxa ay isku dayeen in ay Faraha intay karaan kala bixiyaan bilo dhulka ku adkaysataa, ma awoodin taas far aan suulka ahayni. Waxa ay isku dayeen in sida baaskiilka u dhaqaaqaan lakiin waa laga diiday waayo waxa soo galaaya fulinta arinkas lugaha, taasina waxa ay baal marsantahay xeerka tartanka.

Kor ha u kacdo lugtu
Wax laga walwalaa ma jiraan
Kor ha u kacdo lugtu
Lugta raadkeedii raadiya
Aan u duulno samada.

Waxaa gaadhay xiligii ay suulasha lugu qosli lahaayeen, sidaasay uga soo amaanaysteen afka cod adag si ay uga duwanaadaan codkii dhuubna ee ay adeegsadeen faraha gacantu markii ay qoslayeen. Meel ka dhacaa markay maqleen way cadhooden dhudhumadu cadho adag iyagoo si quusleh iskugu dayaya in ay jidhka qadaan, laakin way ku guuldaraysteen hal talaabana inay qadaan. Kadib markii uu daalku meel ka gaadhay, Sacabada iyo Gacmuhu waxay ka joojiyeen isku dayga. Luguhu waa ay faraxasanaayeen waxyna bilabeen in ay xirfado badan soo bandhigaan sida in ay socdaan iyagoon mesha ka dhaqaaqayn, Guclaynta,

Orodka, Kor u boodida, meel dheer u boodida, iyadoon jidhku dhicin. Lugihii fadhiyay waxa ay bilaabeen in ay cagaha dhulka ku garacaan si ay u muujiyaan jeclaysigooda iyo taageeradooda, Lakiin gacmuhu farta ayay taageen si ay uga cawdaan sida ciyaar wanaaga ka baxasan ee ay luguhu yeeleen iyagoo iloowsan in ay iyagu bilaabeen, billabahaana gardarobadan.

Lakiin dhamaantood oo ay ku jiraan daawadayaashii waxa ay ku arkeen gacmaha arrin la yaab badan, kaas oo ah suulashi kala baxay markii ay gacmuhu isku dayeen in ay jidhka qaadaan in ay sidii uga durugsanatahay faraha intoodii kale, xubnihii kale ee la tartamaayay waxa ay in yar u jirsadeen in ay qoslaan hadanay milicsan wax kale oo ah suulkan fiday shaqadii gacanta waxba kamuu dhimin, waxayba kobciyeen kartideedii ay wax ku qabanaysay ama ay ku xajisanaysay.

Waa sidee? Naafonimadu ma isku baddashaa awood?!

Shan cisho ayay socotay dooda xubnaha jidhku ka galeen midka guulaystay shaacintiisu, tiradasina waa ta faraha gacan kasta iyo lug kasta ku taal, inkastooy dadaal badan sameeyeen laakin waa ay ku guuldaraysteen in ay si cad ugu dhawaqaan guulaystaha, Laba kooxood midkoodba waxa ay samaysay bandhig door ah dhanka ay ku fiicantahay, midkoodna midka kale kama maarmi karto. Halkaas waxa ka bilaabmay wareeg malamayno falsafadeed. Dhaman waxa la is waydiiyay: Waa maxay jidhku gabi ahaanba? Waxayna garawsadeen in jidhku aanu waxba ahayn iyagoo isku tagay un mooyee, Hadaba si uu midwalba u guto qaybtiisa si haboon, waa in xubin walba ku dadaalo in uu shaqadiisa si wacan u qabto.

Si aan mar labaad tartankan oo kale loo qaban soo soctada (mustaqbalka), loona joojiyo in labada dhinac markale iska hor yimaadaan, waxa ay xubnihii jidhku go’aan ku gaadheen in hada iyo wixii ka danbeeya jidhku socdo isaga oo adhaxda taagaya, lugihiisu ay dhulka ku suganyihiin gacmihiisuna u fidsanyihiin samada, Intee in leeg ayuu ku farxay jidhku go’aankaas, si ay ahaataba waxa uu ogolaaday in ubadku ay ku socdaan afartaba si aanay u iloobin asalkoodii, waxa ay qaybsadeen shaqooyinka, Luguhu waxa ay sidayaan jidhka, marka meesha la rabo la gaadho ayay addimaduna bilabayaan shaqada loo baahanyahay sida samaynta aaladaha iyo qabashadoodaba, Xiligaa ay luguhu qabanayan shaqadooda hawsha badan ee ah in ay sidaan jidhka gacmuhuna waxa ay la tacaalayaan deeganka, waxayna hubsanayaan in cunadu gadho afka dabadeed waxa calaalinaya ilkaha waxa ay u dagaysaa dhuunta, kadibna caloosha oo ka soo saaraysa maadooyinka anfaca leh, ka hor inta ayna u qaybin moosaska ay uuga gudbinayso dhamaan dhinacyada jidhka.

Kadib calooshu waxa ay maadooyinka hadhay u diraysaa habka qashin saarka kaas oo fagaarayaasha furan ku saaraya ama ku aasaaya ciida hoosteda si ay u bacrisanto, dabadeed ay u dhasho midho ay ka guraan gacmuhu, afkuna la boodo. Haa waa wareega nolosha.

Dareen uunbaa soo galay xubnihii jidhka kaas oo ah in sidan heshiiska lagu gaahay ee wax loo tartiibiyay noqon karto sabab la isku maandhafo, oo madaxu ugu sarayntiisa xubnaha jidhka uu isku qaato in uu ka mudanyahay lugaha dhulka yaala, oo uu yahay mudane xubnaha kalena adeegayaal ay yihiin. Sidaa darteed ayay madaxa iyo xubnaha ka hooseeyaba isku afgarteen in ay awood siman leeyihiin, si taa loo sugana waxa ay ku heshiiyeen in waxa haleela midkood oo xanuun leh ama farxad ah ay dareenkooda wada qaysadaan dhamaan. Afkana waxa lagu baraarujiyay marka uu leeyahay waxaas anaa leh, waxaa kalena xaqbaan u leeyahay in uu u hadlo jidhkoo dhan, ee aanu kaligii iska hadlayn waxa uu sheegaayo.

Dhamaantoodna waxa ay ku celceliyeen heestan:

Jidhkayaga ma jiro adeege
Jidhkayaga ma jiro adeege
Annagu waan isku adeegnaa
Dhaman wanaag ayaan iskugu adeegnaa
Annagu waan isku adeegnaa
Carabku waa codkayaga
Isid anna waan ku sidiye
Waxaan dhisnaa jidh wacan
Isid anna waan ku sidiye
Waxaan dhisnaa jidh wacan
Waxaan dhisnaa jidh wacan
Quruxdu waa midnimadeena

Sinaan ayaanu ku wada shaqaynaa
Jidh wacan dartii
Sinaan ayana ku wada shaqaynaa
Jidh wacan dartii
Quruxdu waa midnimadeena

Heestaasi waxa ay noqotay hees hawleed u gaar ah jidhka dhamaantii, ilaa maantana jidhku waa uu ku celceliyaa, kaas ayaa fasiraaya Aaadamaha iyo Xayawaanadu waxa ay ku kala duwanyihiin, ama kuwa diidan kacaanka jira. Inkastoo ay waxbadan soo mareen xayawaanada afarta ku socdaa hadan way ka cageen in ay la jaanqaadaan kacaankan. Heestu waa wax liita, Afku –Sida ay u yaqaanaan hees maahee cunid aya loo abuuray. Sidaasay xayawaanadasi ku yagleeleen xisbiga Dhawrayaasha Deegaanka oo ku kulmeen in ayna ka baydhin dhabada oo anay marnaba dhaqankooda wax ka badalin.

Marka uu aadamuhu wax ka baranaayaan isla dhimashada xubnaha jidhka iyo isgacanqabadkooda, wax wacan ayay samaynayaan , lakiin marka ay u arkaan jidhka iyo madaxa laba dhinac oo loolamaya, midkoodna midka kale ka sareeyo, waxay u dhawaanayaan ilma adeertooda xayawaanka ah ee diiday jacaanka jira.

~
Read the English translation – The Upright Revolution: Or Why Humans Walk Upright by Ngugi wa Thiong’o


Khalid M. Said (Khaloudy) is a young writer. He blogs at http://www.khaloudym.blogspot.com. He also writes a series of articles published in the WAAHEEN newspaper. Khalid lives in Hargeisa from where he graduated from university of Hargeisa in the Department of Biomedical science. He is working on his first book.

Abdillahi Raage “Sayyidka” works at the University and has his own YouTube show called TALLAN. He studied Economics and Political Science. C.lahi lives in Somalia and is a fiction writer currently busy working on his first book, which he hope to complete in the coming year. His blog is in both Somali and Arabic; sayyidka.wordpress.com.

What's Your Reaction?
Excited
0
Happy
0
In Love
1
Not Sure
0
Silly
0
Scroll To Top